Monday , September 23 2019
Hoy / Qaamuus / Ganac

Ganac

1. (-a) Xubin carrab dheer oo jiidan oo sal weyn u eg oo oogada nafleyda ku taal (caloosha hoosteeda) waxa ay ka laallaadaa oo dhaacaankeeda ku shubtaa godanta (xiidmaha madaxooda hore ee caloosha xiga).

2. (-da) Alaabada iyo waxyaalaha kale ee la isdhaafsado inta lacag ama wax kale la isa siiyo; wax kasta oo la rogrogto in faa'ido laga helo; geddis; iib.

Ku salaysan Qaamuuska Af-Soomaaliga ee Yaasiin C. Keenadiid (1976), iyo Qaamuuska Af-Soomaaliga ee Annarita Puglielli iyo Cabdalla Cumar Mansuur (2012), iyo Soo Maal: Qaamuus AfSoomaali (2013), Aadan Xasan Aadan (tif.)

Skip to toolbar